Saacadihii lasoo dhaafay jihaadiyiinta Al-Shabaab waxay hawl-gallo kala duwan ka fuliyeen gobollada Shabeellaha dhexe iyo Baay.
Gobolka Baay, waxaa ka dhacay hawllo qaraxyo ah oo jihaadiyiintu ay ka fuliyeen degmooyinka Diinsoor, Baydhabo iyo Berdaale.
Hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiintu ay la eegteen goob ay ku sugnaayeen saraakiil iyo askar ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte ayaa ka dhacay gudaha degmada Diinsoor.
Inta la xaqiijiyey qaraxan waxaa ku dhintay nin magaciisa lagu sheegay Barre oo ahaa xildhibaan deggaan iyo sidoo kale guddoomiye xaafadeed.
Qaraxan oo aad u cuslaa ayaa sidoo kale waxa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii ku sugnaa goobtaasi.
Sidoo kale, qarax kale oo xoogagga Al-Shabaab ay la beegsadeen maleeshiyaadka Xasan Sheekh ayaa xalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan maleeshiyada taabacsan kooxda Villa Soomaaliya.
Sidoo kale khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qarax ay jihaadiyiintu ku weerareen maleeshiyaad ku sugnaa fariisin ay ku leeyihiin degmada Bardaale.
Gobolka Shabeellada dhexe, waxaa isna ka dhacay hawl-gal qarax ah oo maalinnimadii shalay dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha degmada Balcad.
Qaraxan oo lagu bartilmaameedsaday fariisin ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Gurguurte, ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta ilaa iyo hadda la xaqiijiyey, qaraxaasi waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Villa Soomaaliya, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Geesta kale, faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday dagaallo culus oo si ba’an loogu jebiyey maleeshiyaadka Gurguurte oo aroornimadii shalay ka dhacay afaafka hore ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Dagaalladan oo la xaqiijiyey in lagu dilay 9 askari oo ka tirsanaa maleeshiyada Gurguurte, intaas in ka badanna lagu dhaawacay, ayay jihaadiyiintu kusoo furteen 7 qori oo AK-47 ah, 1 qori oo PKM ah.
Qaar ka mida magacyada askarta lagu laayay dagaalkan oo aanu helnay ayaa kala ah Axmed Maxamed (Daari), Aadan Goobbe iyo askari magaciisa lagu soo gaabiyey Uul.
FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:
Iyo sidoo kale bartayada Facebook:
